Advertisements
Wararka

Jidadka muhimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka oo saaka xiran magaalada Mogadishu…


Waxaa saakay xiran inta badan jidadka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana la arkayaa dadweynaha oo u lugeynaya goobahooda ganacsi iyo waxbarasho kaddib markii ay ciidamadu u diideen gaadiidka in ay isticmaalaan jidadkaasi xiran.

Waxaa ka mid ah wadooyinka saakay aan la ogoleyn in ay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa, Geed jaceyl iyo Aadan Cadde ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah sugida Amniga magaalada Muqdisho oo saacadaha soo socda lagu wado in la keeno meydka Duqii Muqdisho Eng Yariisoow oo ay ka qeybgali doonaan Aaskiisa mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda Soomaaliya iyo safiirada dowladaha caalamka ee ku sugan dalka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: