Advertisements
Wararka

M/weyne Trump oo dib ula laabtay murashaxii uu u doonayay jagada agaasimaha sirdoonka…


Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dib ula laabtay musharraxii uu doonayay in loo anxisiyo jagada agaasimaha sirdoonka qaran ee dalkaasi, John Ratcliffe, kadib markii lagu dhaliilay in ninkaasi aanu u qalmin xilkaasi.

Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu u sheegay Mr Ratcliffe in hannaanka ansixintiisa uu noqon doono “mid dhib badan” maadaama ay warbaahintu si xun uga hadashay mudanahaasi Congress-ka ka tirsan ee laga soo doorto gobolka Texas.

Mr Ratcliffe oo u mahadceliyay madaxweynaha ayaa sheegay inaanu dooneyn in shaqadaasi ay noqoto “mid siyaasadeysan oo ay xisbiyada isku qabsadaan”.

Dadka diiddan Mr Ratcliffe ayaa ku eedeeyay inuu ka been sheegay aqoonta uu u leeyahay arimaha sirdoonka.

Mar uu weriyayaasha kula hadlayay dibedda aqalka cad, ayaa madaxweyne Trump waxa uu sheegay in Mr Ratcliffe ay “warbaahintu si xun ula dhaqantay” uuna rumaysan yahay in mudanaha uu qaatay go’aan sax ah.

Trump ayaa intaa ku daray in warbaahinta ay “qeyb ka tahay hannaanka hubinta” musharraxiinta, waxaana uu weriyayaashii goobta joogay ku yiri “inta badan shaqo wanaagsan ayaad qabataan”.

Agaasimaha qaran ee sirdoonka ayaa waxaa magacaaba madaxweynaha, balse waxaa ansixintiisa leh golaha Senate-ka.

Jagadan ayaa la sameeyay kadib weerarradii 11-kii September 2001, waxaana uu agaasimaha madax u yahay 16-ka hay’adood ee uu ka kooban yahay sirdoonka Maraykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: