Advertisements
Wararka

R/wasaaraha Itoobiya oo difaacay talaabada ay dowladu ay ku damisay adeegii Internet-ka…


Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa difaacay talaabada ay dowlada ay ku damisay adeegii Internet-ka.

Arintaan ayaa timid kadib markii gobolka amxaarada uu ka dhacay bishii June isku day afgambi oo ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan milatariga Itoobiya.

Wuxuu sheegay in hadii dad lagu dilayo hantina lagu burburinayo ay dowlada xanibi doonto adeega Internet-ka.

Wuxuu intaa ku daray in Internetka uusan aheyn biyo cunto iyo nolol hadii la Gooyo.

Abiye Axmed ayaa intaa raaciyay in Internet-ka uu sahlayo si fudud kobaca dhaqaalaha, laakin hadii loo adeegsado siyaabo kale iyo kicin dadweyne aysan u dulqaadan Doonin.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya oo xilka la wareegay bishii April ee sanadkii hore ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in ay dhaqaalaha Itoobiya uu burburo halkii naf ay u dhiman laheyd kicin loo adeegsado Internet-ka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7165 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: