Advertisements
Wararka

Xiriirka kubada cagta ee South America oo Messi ku ganaaxay in uusan u safan qarankiisa…


Xiriirka kubbada cagta South America ee loo yaqaan “CONMEBOL” ayaa ganaax ku riday laacibka caanka ah Lionel Messi inuusan ciyaarin seddex bilood ka dib hadaladii uu ku weeraray Xiriirka intii lagu guda jiray tartankii Copa America ee u danbeeyay.

Sidoo kale waxaa ka mid ah ganaaxa Xiriirka ku riday Argentina iyo xiddiga Barcelona $50 kun oo dollar.

Messi ayaan ka qeyb qaadan doonin kulamada rasmiga ah ama kuwa saaxiibtinimada ah ee Xulka Qaranka Argentina muddo seddax bilood ee soo socota, sida lagu sheegay bayaanka rasmiga ee CONMEBOL.

Messi ayaa abuuray muran ka dib guuldaradii xulkiisa ka soo gaartay xulka Brazil ee semi-finalka Copa America sababtoo ah wuxuu ku eedeeyay “musuqmaasuq” xiriirka South America.

Messi, oo 32 jir ah, ayaa laga saaray ciyaartii uu qaranka Argentina uu la dheelay xulka Chile tartanka kaalinta seddaxaad ee koobka oo la soo afjaray bishii hore.

Messi ayaa yiri: “Waxay aheyd arrin horey loo qorsheeyey in Brazil ay ku guuleysato koobka”.

Garsooraha ayaa kaarka casaanka ah siiyey Messi intii ay socotay ciyaartii u dhaxeysay xulalka Argentina iyo Chile ee Copa America.

Xiddiga caalamiga ah ayaa racfaan ka qaadan kara go’aanka CONMEBOL toddobo maalmood gudahood.

Go’aankan ayaa la macno ah in Messi uusan ka qeyb qaadan doonin kulamada saaxiibtinimo ee Argentina ay la yeelan doonto xulalka Chile, Mexico iyo Germany bilaha September iyo October ee soo socda.

Argentina ayaa bilaabi doonta ololaha isreebreebka Koobka Adduunka ee 2022 bisha Maarso.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: