Advertisements
Wararka

Deegaano ay horey ugu sugnaayeen al-Shabaab oo ciidamada dowlada ay la wareegeen…


Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka howlgala Koonfur galbeed ayaa sheegaya in ay la wareegeen deegaanno ay horay ugu sugnaayeen xoogagga Ururka Al-shabaab oo hoostaga degmada Baydhabo

Taliyaha ciidamada Booliiska maamulka Koonfur Galbeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in ciidamadu ay gaareen Tuulooyinka Goof-Gaduud Buureey, Awdiinle, Buulo Jebi iyo tuulooyin kale oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Saraakiisha oo la hadlay bulshada deegaannadii ay la wareegeen ayaa ugu baaqay in ay ciidamada la shaqeeyaan, islamarkaana ay ka hortagaan dhibaatooyin uu sheegay inay iyaga ku hayaan.

Howlgalkaan laga sameeyay tuulooyin hoostaga magaalada Baydhabo ayaa ku soo aadaya xilli laba cisha ka hor ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa taabacsan Wadaadka Mukhtaar Roobow oo u xiran dowladda howlgal ay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Xudur ay kula wareegeen deegaano ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab.

Al-shabaab oo maamula oo wali gacanta ku haya deegaanno dhowr ah ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool, iyaga oo go’doominaya deegaannada iyo degmooyinka ay dowladdu ka maamusho labada gobol.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: