Advertisements
Wararka

Kooxda Manchester City oo ku guuleysatay koobka Community Shield ee Ingriiska…


Manchester City ayaa loo caleemo saaray hanashada koobka Community Shield, ka dib markii ay 5-4 ku garaacday kooxda Liverpool ciyaar ka dhacday garoonka Wembley maanta oo Axad ah.

Labada kooxood ayaa ku kala baxay rigoorayaal kadib waqtigii asliga ahaa ee ciyaarta oo barbaro ku dhamaatay, iyagoo ku kala baxay min hal gool.

Manchester City ayaa goor hore ku horumartay dhalinta goolka, waxaana saxiixay Rahim Sterling daqiiqaddii 12aad, inkastoo Joel Matip uu u barbareeyay Liverpool daqiiqadii 78aad.

Manchester City ayaa dhalisay shanta shuud ee rigoorayaasha, halka Giorginio Wijnaldum uu khasaariyey rigooradii labaad ee Liverpool taasi oo sababtay guuldarada.

Kulankii koobka Community shield ayaa aalaaba waxaa wada ciyaara labada kooxood ee ku badisa Premier league iyo FA Cup, laakin labada koobba waxaa heysta Manchester City, sidaa darteed waxaa loo doortay Liverpool maadaama ay soo qaaday koobka Champions League.

Guushan ay ku bilaabatay Manchester City ayaa waxay daliil u tahay awooda Manchester City inay hogaan u tahay kubada cagta Ingariiska.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: