Advertisements
Wararka

Nin hubeysan oo toogasha ku dilay dad badan magaalada El Paso oo ka tirsan gobolka Texas…


Nin hubeysan ayaa toogasho dad badan ku dilay ka geystay xarun caan ah oo laga dukaameysto oo kutaala magaalada El Paso ee katirsan gobolka Texas dalka Mareykanka.

Booliiska ayaa sheegay nin dhalinyaro ah oo qoray ku hubeysnaa uu rasaas badan ku furay dad ku sugnaa dukaanka Caanka ah ee Walmart, toogashadan ayaana dhalisay khasaaro aad u badan.

Inta la xaqiijiyay toogashadan waxaa ku dhintay 20-qof halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 26-qof oo kale, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogahay ay kasii bataan.

Ciidamada booliiska ayaana gacanta ku dhigay ninka toogashada geestay oo lagu magacaabo Patrick Crusius oo 21-sano jir ahaa, ninkan ayaana ahaa nin kamid ah cadaanka dalka Mareykanka.

Wali lama oga waxa ku kalifay ninkan dhalinyarada toogashada uu dadka badan ku dilay, saraakiisha booliiska ayaana sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan weerarkan dadka badan lagu dilay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: