Advertisements
Wararka

Salaada janaazada oo lagu tukaday meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan…


Waxaa goordhow lagu tukaday salaada janaazada meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan kadib markii laga soo dejiyay diyaarad ka soo qaaday dalka Qatar oo uu ku geeriyooday.

Dadkii ku tukaday janaazada meydka allaha u naxariistee Marxuum Yariisow ayaa waxaa kamid ah Madaxweyne Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Kheyre,Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mursal,Guddoomiyaha Aqalka Sare Xaashi iyo mas’uuliyiin kale.

SalaadJanaazo1.jpg

Meydka Cabdiraxmaan Yariisow ayaa lagu wadaa in lagu aaso qabuuro ku yaal dugsiga tababarka ciidamada Booliska General Kaahiye.

Eng. Yariisow ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii dhowaan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, iyada oo dowladda Soomaaliya aysan weli shaacin nooca qaraxa iyo dadkii ka dambeeyay. انا لله وانا اليه راجعون

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: