Advertisements
Wararka

Labo dhallinyaro ahaa oo ku eedeysnaa dilal iyo qaraxyo oo saaka dil toogasho lagu fuliyey…


Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo dhallinyaro ah oo ku eedeysnaa inay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Labadan dhalinyaro oo lagu kala magacaabayay Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Barrow ayaa ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana dhowaan ka soo muuqdeen muuqaal laga duubay oo ay ku qiranayeen dilal iyo weeraro ka dhacay Muqdisho.

Maxkamadda Darajada Koowaad iyo Maxkamadda sare ayaa horay ugu kala xukuntay dil toogasho ah, waxaana saaka oo Isniin ah, kuna beegan 5-ta bisha Agosto lagu fuliyay xukunkii dilka toogashada ahaa.

Labada dhalinyaro ayaa qirtay inay ku lug lahaayeen qaraxyadii ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon bishii december ee sanadkii 2018.

Ciidamada Ammaanka ayaa xilligaas gacanta ku dhigay, markii ay ka dageen gaari ku qarxay agagaarka Daljirka Dahsoon.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: