Advertisements
Wararka

Qarax ka dhashay shil baabuur oo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Qaahira…


Ugu yaraan 19 ruux ayaa geeriyooday soddan kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii uu qarax ka dhacay banaanka Machadka Qaranka ee Kansarka ee ku yaal bartamaha Qaahira.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari ku socday waddo qaldan oo xawaare sarre ku socday, markii uu ku dhacay saddex baabuur oo kale, sida ay ku warrantay wasaaradda arrimaha gudaha Masar.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay gaadiidka dab-damiska oo ku hawlan inay xakameeyaan dabka oo khasaaro u geystay dhowr gaari.

Xeer Ilaaliyaha dalka Masar ayaa amray in la baaro sababta keentay shilkaasi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7165 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: