Advertisements
Wararka

Wafdi ka socda Urur goboleedka IGAD oo ku sugan magaalada Kismaayo si uu ugu kuur galo…


Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland waxaa ku sugan oo maalintii shalay gaaray wafdi ka socda Urur goboleedka IGAD kaa soo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr Mohamed Ali Guyow.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in Kismaayo ay sii joogaan saddex maalmood ayaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashada Jubbaland, Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xildhibaanada Baaralmaanka, Musharaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee is diiwaangeliyey iyo qeybaha kale ee ururada bulshada Jubbaland.

Wafdiga ayaa si rasmi ah ugu kuur-gali doona habsami u socodka diyaar garowga Doorashada Jubbaland inta ay Kismaayo ku sugan yihiin.

Magaalada Kismaayo waxaa ka soconaya kulamo xasaasi ah oo dhamaantood la xiriira doorashada la filayo in ay dhawaan ka dhacdo, waxaana jira dowladda federaalka iyo musharixiintu intaba ka qabaan in madaxweyne Axmed Madoobe uu doorashada iskii u maamulanayo.

Beesha caalamka ayaa u dheg taageysa natiijada safarka wakiilka IGAD ee Kismaayo kaa soo noqon doona go’aanka ay ka qaadan doonto habsami u socodka doorashada Jubbaland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: