Advertisements
Wararka

Dadka adduunka ugu qanisan ayaa khasaaray 2.1% ama lacag $117 bilyan xoolahooda…


Waxaa soo gaaray dadka adduunka ugu qanisan khasaare dhan 2.1% – ama $ 117 bilyan oo xoolahooda ah, kadib markii la furay suuqyada adduunka Isniintii.

Xiisadaha ganacsi ee soo cusboonaaday ee u dhexeeya Washington iyo Beijing ayaa sii kordhiyay khataraha suuqa adduunka ee saamiyadaha, sida lagu sheegay warbixin wakaalada Bloomberg.

Ninka dunida ugu taajirsan, Jeff Bezos wuxuu khasaaray $ 3.4 billion, laakiin weli waa kan ugu taajirsan adduunka isagoo leh hanti lagu qiyaasay illaa $ 110 bilyan.

In kasta oo khasaarooyinkaas jiraan, saafiga xoolaha 500 oo qof ee dunida ugu taajirsan ayaa weli 11% ka sarreeya tan iyo 1dii Janaayo ee sanadkan, iyada oo la diiwaangeliyey qiyaastii $ 5.4 tirilian.

Dow Jones oo ka mid ah 30ka shirkadood ee ugu sareeya adduunka ayaa hoos u dhacay in kabadan 2 boqolkiiba Isniintii, isagoo lumiyay 767.2 dhibcood, wuxuu gaaray 25,717.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay canshuur hor leh oo gaareysa 10 boqolkiiba badeecadaha laga soo waarido Shiinaha oo qiimahoodu dhan yahay 300 bilyan oo doollar bilowga horraanta bisha Sebtember. Sidoo kale Shiinaha ayaa ka jawaabtay inay joojineyso iibsashada waxyaabaha beeraha Mareykanka laga soo saaro.

Maalgashadeyaasha ayaa ka fogaaday sanduuqyada khatarta sare leh sida Doolarka Mareykanka iyo suuqyada saamiyada, gaar ahaan kuwa shirkadaha IT-ga iyo warshadaha, waxay u carareen goobo ammaan ah, gaar ahaan dahabka oo kor u socda inkasta oo maanta hoos u soo dhacay, wuxuu gaaray heerkii ugu sareeyey muddo lix sano ah $ 1471 ounce ama wiqiyadii.

Halkan waxaa ku qoran liiska maalqabeennada khasaaraha soo gaaray:

Jeff Bezos, aasaasaha Amazon: $ 3.4 bilyan
Bernard Arnault, Mulkiilaha LVMH Luxury Goods: $ 3.2 bilyan
Mark Zuckerberg, Madaxa Facebook: $ 2.8 bilyan
Mukesh Ambani, Gudoomiyaha Gudiga Reliance Industries: $ 2.4 bilyan.
Bill Gates, aasaasaha Microsoft: $ 2 bilyan

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: