Advertisements
Wararka

Maxkamada Gobolka banaadir oo xukun ku riday nin u dhashay dalka Ingriiska oo loo heystay…


Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa saaka xukun ku riday Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo loo haystay qalqal gelinta Amniga Garoonka Caalamiga ah Aadan (Cadde).

Maxkamada ayaa Go’aan ka gaartay dacwadaas waxayna ku xukuntay ninkan inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $7,000 (Todoba kun oo dollar).

Waxay Maxakamaddu ku waysay Qodobadii lagu soo Eedeeyay labo ka mid ah waxayna ku heshay qodobka 34aad ee Xeerka Nabad gelyada Guud ee Qaranka.

Ninkan ayaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin khal-khal gelinta amniga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo uu ka duuli rabay, waxaana tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan 2019 lagu hayay xabsiyo kala duwan markii lagu weerarray xabsiga weyn ee Muqdisho.

Xeer ilaalinta ayaa Andrew Braian Irlam ku eedeeysey inuu carqaladeeyay nabadgelyadda Garoonka, isagoo aan ku wargelin laamaha amniga walxo qarxa oo uu ku watay boorso la geeyay xamuulka diyaaradda xili uu u duuli rabay dalka Imaaraadka.

Andrew Braian Irlam ayaa ka mid ahaa shaqaale ka tirsanaa shirkadda SKA ee horey u maamuli jirtay garoonka dayuuradaha Aadan cadde.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: