Advertisements
Wararka

Obama oo ugu baaqay dadka Mareykanka in ay diidaan hogaamiyayaasha kicinaya …


Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Mareykanka in ay iska diidaan hogaamiyeyaasha kicinaya falalka ku saleysan Naceybka.

Qoraal uu ku soo qoray barta Twitterka ayuu ku sheegay in Mareykanka aysan dani ugu jirin madaxda baraarujineysa falalka isir naceybka uuna ka soo Horjeedo.

Obama ayaa qoraalkiisa cidna ku xusin walow uu u muuqdo mid ku socda madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Hadalka Obama ayaa imaanaya kadib toogasho habeenkii sabtida lagu dilay 29 ruux oo ka dhacay gobolada Ohio iyo Texas.

Dhinaca kale Obama iyo xaaskiisa Michelle ayaa noqday dadka ugu saameynta badan adduunka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: