Advertisements
Wararka

M/weynaha Maamulka Somaliland iyo wefdi uu hogaaminayo oo u dhoofay dalka Sacuudiga…


Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta dalka ka dhoofay, waxayna u ambabaxeen waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaasoo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka.

Madaxweynaha iyo xubnaha wefdiga ah ee wehelinaya, ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay boqorka dalka Sucuudi Carabiya, Boqor Salmaan Binu Cabdul Casiis, wuxuuna Muuse Bixi ka mid noqday madax kala duwan oo sanad walba boqorka Sacuudigu ku casuumo Xajka.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa ka qaadday diyaarad khaas ah oo ay Sacuudigu u soo direy.

Gudashada waajibaadka xajka kaddib, waxa wefdiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa gudo geli doonaan kulammo ay la yeelanayaan mas’uuliyiinta dalka Sucuudiga

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7165 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: