Advertisements
Wararka

Mareykanka oo ku baaqay doorashada Jubbaland in ay ku dhacdo si xor oo xalaal ah…


Dowlada Mareykanka ayaa ugu baaqday dowlada Federalka Soomaaliya in doorashada lagu wado in ay ka dhacdo dowlad goboleedka Jubbaland dhamaadka bishan inay noqoto mid ku dhacdo si xor ah oo kalsooni ku jirto.

War Saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Morgan Ortagus, ayaa lagu sheegay in kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale kulankii uu kula yeeshay Muqdisho Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu sidoo kale kala hadlay sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah.

David Hale kulankii uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in Hale uu dib u xaqiijiyey ballanta adag ee Mareykanka uu Soomaaliya uga caawinayo dadaallada is-beddellada siyaasadeed, horumarinta dhaqaale iyo xasilloonida

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay muhiimada ay leedahay howlgalada amni ee loogaga saarayo ururka Alshabaab dalka Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: