Advertisements
Wararka

Al-Shabaab oo weerar fashilmay ku qaaday fariisimo ciidamada DANAB ka sameeysteen…


Waxaa xalay ka dhacay degmada Awdheegle dagaal u dhaxeeyay Ciidanka xoogga dalka ee Kumaandooska iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sida wararku sheegayaan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimo Ciidamada Kumaandooska ka sameysteen deegaanka, waxaana la sheegay inay iska difaaceen.

Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen 4 dagaalame, halka shan kalena ka dhaawaceen, isla markaana uu ahaa isku day weerar la fashiliyay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Ciidamada Kumaandooska ay la wareegeen degmada Awdheegle oo ka mid ahaa deegaanada ay sanadihii u dambeeyay maamulayeen Al-Shabaab.

Ciidamada Kumaandooska ayaa horay u xaqiijiyay ammaanka deegaanada Bariire, Sabiid iyo Caanoole oo ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7165 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: