Advertisements
Wararka

Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium oo lagu wado in loogu magac daro Eng. Yariisow…


Garoonka kubadda cagta ee Banaadir Stadium ayaa waxaa lagu wadaa in loogu magac-daro Gudoomiyihii Maamulka Gobolka Banaadir & Duqii Magaalada Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow).

Masuuliyiinta Dowladda Somalia ayaa la fillayaa in maalinta Jimcaha ay Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqaan in Garoonka Banaadir Stadium loogu magac-daray Eng. Yariisow.

Isla Jimcaha ayaa waxaa lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo tacsida Eng. Yariisow, iyadoona baroordiiq loogu samayn doono Garoonka Banaadir Stadium oo ku yaala Degmada C/casiis.

Allaha u naxariistee Eng. Yariisow ayaa 1dii bishan Magaalada Doha ee dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawacii 24-kii bishii July ka soo gaaray qaraxii ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: