Advertisements
Wararka

Murashaxiinta ka soo horjeeda Axmed Madow oo kaga dhowaaqay Kismaayo Guddi doorasho…


Musharaxiinta ka soo horjeeda Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Jubbaland ayaa maanta kaga dhawaaqay magaalada Kismaayo Guddi doorasho, iyadoo Guddigan uu noqonayo kii labaad oo Jubbaland yeelato, xilli uu sii xoogeysanayo is maandhaafka ka taagan hannaanka doorasho ee ay wajaheyso Jubbaland.

Musharaxiintan oo la baxay Golaha badbaadada ee Jubbaland ayaa horay u qaadacay Guddigii doorashada ee horay u magacaabay Axmed Madoobe, isla markaana cadeeeyay in aanay aqoonsaneyn.

Shir ay maanta ku yeesheen Musharaxiinta ka soo horjeeda Axmed Madoobe oo aan iska diiwaan gelin Guddiga doorashada iyo xuduudaha Jubbaland ayaa sheegay in guddigooda cusub uu qaban doono howlaha soo xulista Xildhibaanada iyo qaban qaabada doorashada.

Badbaado Jubbaland

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: