Advertisements
Wararka

Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka oo ka horyimid qaabka ay u socoto doorashada Jubbaland…


Odayaasha Dhaqanka Jubbaland ayaa waxay ka horyimaadeen qaabka ay u socoto Doorashada Jubbaland, iyadoo dhanka kalena ay eedeymo u jeediyeen Guddiga Doorashada.

Odayaasha Dhaqanka oo kulan ku yeeshay Magaalada Kismaayo ayaa waxay ku saluugeen qaabka ay arrimaha doorashada u wadaan Guddiga Doorashada Jubbaland.

Odayaasha ayaa waxay Dowladda Somaliya iyo Qaramada Midoobay ugu baaqeen in ay soo fara-geliyan Doorashada Jubbaland, sababo ku aadan Guddiga Doorashada Jubbaland oo aan dhexdhexaad ka ahayn doorashada.

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xersi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Kismaayo ku kulmay ayaa sheegay inaanan laga aamusi karin waxa ka socda Magaalada Kismaayo, sida uu yiri.

Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane ayaa isna sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay isku raacsan yihiin is bedel buu yiri ay dani keentay, haddii la waayay buu yiri cadaalad iyo wixii lagu wada jiri jiray.

Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud ayaa sheegay haddii aanay Dowladda Somaliya iyo Beesha Caalamkuba soo fara-gelin doorashadan, in ay Jubbaland yeelan doonto laba dowladood, sida uu yiri.

Hadalka ka soo yeeray Odayaasha Dhaqanka ayaa ku soo beegmaya, xilli Arbacadii ay Guddiga Doorashada Jubbaland ku dhawaaqeen inay Odayaasha Dhaqanka kala wareegeen liis ay soo gudbiyeen, oo ku aadan xubnaha noqonaya Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: