Advertisements
Wararka

Ciidanka Socdaalka Mareykanka oo xabsiga dhigay ku dhowaad 700 ruux oo soo galooti ah…


Ciidanka Socdaalka Mareykanka oo loo yaqaano (ICE) ayaa xabsiga dhigay ku dhowaad 700 oo ruux oo ka soo jeeda Koonfurta Amerika oo ka shaqeynayay shirkadaha soo saara cuntada oo ku yaal gobolka koonfureed ee Mississippi.

Waaxda ilaalada xuduudaha ayaa sheegtay in saraakiisha amniga ay xireen 680 kadib howlgal dhacay Arbacadii.

Soo galootigaan ayaa lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah uga shaqeynayeen gudaha Mareykanka lana maxkamadeyn Doono.

Dadka deegaanka ayaa aad uga carooday waxaana ay ku dhawaaqayeen hadalo ah hala siiyo Xornimadood

Afhayeen u hadshay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee degmada Mississippi ayaa sheegtay in muhaajiriintaan laga tarxiili doono Mareykanka.

Balse waxay sheegtay in dadkaan qaarkood loo fidin doono cafis Magangalyo.

Dowlada Mareykanka ayaa ka gaabsatay in ay ka hadasho wadamada ay u dhasheen dadkaan, balse waxaa la rumeysan yahay in ay ka soo jeedaan Mexico iyo bartamaha Amerika.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7165 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: