Advertisements
Wararka

Dagaal ka dhex qarxay ciidamada Yemen iyo maleeshiyo mucaarad ah magaalada Cadan…


Dagaalo u dhaxeeya ciidanka dowlada caalamka aqoonsan yahay ee Yemen iyo maleeshiyada Mucaaradka oo tababartay Imaaraadka ayaa ka qarxay magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Milatariga dowlada ayaa weeraro xoogan ku qaaday fariisimaha ay mucaaradka kaga sugan yihiin magaalada iyadoo dagaalkan walaac xoogan laga Muujinayo.

Dhawaqa rasaasta ayaa Khamiistii laga maqlay deegaanka Jabal Xadiid sida ay wakaalada wararka ee Reuters u xaqiijeen dadka shacabka magaalada Cadan.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka culus iyo taangiyada Dagaalka.

Iska hor imaadka maanta ayaa waxaa ku dhintay nin rayid kadib markii ay rasaasta ku haleeshay xilli uu wadada goynayay, sida ay xaqiijiyeen Ehelkiisa.

Warar ka madax banaan labada dhinac ayaa warbaahinta caalamiga u xaqiijiyay in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaalka ka qarxay shalay magaalada Cadan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: