Advertisements
Wararka

Xaaf oo ka tanaasulay u tartamida doorashada madaxtinimada maamulka Galmudug…


Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay u tartamida doorashadda madaxtinimada maamulka Galmudug, islamarkaana uusan ka mid noqon doonin musharaxiinta.

Xaaf ayaa sheegay mudaddii uu xilka hayay sida uu hadalka u dhigay lugaha lagu dhegay, laakiin haddii uu heli lahaa madaxbannaani uu ku shaqeeyo Galmudug uu gaarsiin lahaa meel wanaagsan.

‘’Waxaan cadeynayaa in aan ka tanaasulay doorashada madaxtinimada Galmudug, ciddii ay doonaan ha doorteen, laakiin waxaan kula dardaarmayaa in qofka la doorto lala shaqeeyo’’ ayuu yiri madaxweyne Xaaf.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa soo baxayay warar sheegaya in Xaaf uu ka mid noqonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug doorashada dhawaan la filayo in ay dhacdo.

Khilaaf muddo dheer soo jiimayay kaddib Xaaf ayaa heshiis la galay dowladda Soomaaliya wixii xiligaa ka danbeeyayna waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7165 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: