Advertisements
Wararka

Xujeyda oo salaada Fajirka Makkah kadib bilaabay in ay aadaan magaalada Mina maalinta…


Xujeyda ayaa bilaabay in ay aadaan magaalada Mina, kadib markii ay ka guteen salaada fajirka Jimcaha Xaramka Makkah, Xujeyda ayaa ku qaadan doona maalinta tarawiya oo ah maalinta koowaad ee acmaasha xajka magaalada Mina iyagoo halkaasi u hoyan doona.

Wadooyinka aada Mina ayaa waxaa buux dhaafiyey xujeyda lugeynaysa oo hilow iyo farxad u qaba Mina iyagoo tahliisha iyo takbiirka af ku haya, qaar ka mid ah xujeyda ayaa saaran gaadiid basas ah oo badan, Mina ayaa u jirta Makkah Al-Mukaramaha todobo kilo meter.

Sanadkan, tirada xujaajtu waxay gaarayaan 2.5 milyan oo xaaji ah, kuwaas oo Maka yimid iyagoo meelo kala duwan oo adduunka ka kala yimid, waxaa ka mid ah in ka badan 1.8 milyan xaaji oo ajnabi ah.

Xujeyda ayaa ku qaadan doona maalinta Tarawiya bisha siddeedaad ee Dhul-Hijjah Mina, waxayna halkaasi ku tukan doonaan salaadaha Duhurka, Casarka, Maqribka iyo Cishaha, kadibna fajirka maalinta sagaalaad ee bisha Dhul-Hijjah waxay tegi doonaan buurta Carafo oo dhaahirka ah si ay u gutaan waajibaadka ugu weyn ee xajka oo ah rukniga aasaasiga ee xajka, kadibna qorax dhaca waxay ka dareeri doonaan Carafa iyagoo tegaya Muzdalifah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: