Advertisements
Wararka

Ugu yaraan 57 qof ayaa ku dhimatay booyad shidaal oo ku qaraxday dalka Tanzania…


Dad gaaraya 57 qof ayaa geeriyooday, 70 kalena dhaawacyo culus ayaa soo gaaray kaddib markii booyad nooca shidaalka qaada ah ay qaraxday islamarkaana uu dab ku qabsaday deegaanka Msamvu Itigi ee gobolka Morogo ee dalka Tanzania.

Magaala xeebeedka uu booyada dabka ku qabsdaay ayaa waxa ay ka tirsan tahay gobolka bartamaha ee waddanka Tanzania, waxa ayna qiyaastii 3 saacadood u jirtaa caasimadda maamulka dowladda ee Dodoma.

Sawirro lasoo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka booyada gubatay iyo meydad dhulka yaalla.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ay isku dayayeen inay boobaan shidaalka saarnaa gaariga, oo rogmaday, ka dibna uu qarxay.

Gobolka Morogoro ayaa qiyaastii 200 km u jira magaalo xeebeedka ku taalla galbeedka dalkaa ee Dar es Salaam.

Magaalada uu shilkan ka dhacay ayaa marin muhiim ah u ah gaadiidka waaweyn ee shidaalka kasoo qaada dekedda Dar es Salaam, oo ah magaalada ganacsiga ee waddankaas.

Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu ay sare u sii kacdo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: