Advertisements
Wararka

Billioneer Jeffrey Epstein oo meydiisa laga helay qolka uu ka deganaa xabsiga…


Jeffrey Epstein oo ahaa billioneer ayaa meydkiisa laga helay sabtidii qolka uu ka deganaa xabsiga magaalada New York halkaas oo uu ku sugayay maxkamad iyadoo lagu soo oogay dacwado la xiriira faraxumeyn caruur da ‘yar. Halka FBI-da iyo waaxda cadaalada ay fureen baaritaano ku saabsan sababta dhimashadiisa.

“Shaqaalaha ayaa durbadiiba isku dayay inay soo nooleeyaan,” maamulka xabsiga ayaa yidhi, ka hor inta aan loo qaadin cusbitaalka halkaas oo lagu cadeeyey inuu dhintay, iyagoo ku dhawaaqay baaritaan ku saabsan dhacdadan.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa sheegay inuu “aad ula yaabay” geerida Epstein, “taasoo dhalisay su’aalo culus.”

Markii lagu dhawaaqay dhimashada Epstein, dad badan ayaa muujiyay sida ay ula yaabeen maadaama xabsiga Metropolitan-ka oo lagu tirinayey xarumaha ugu nabadgelyada badan Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: