Advertisements
Wararka

Hantida qoyska Walton ayaa ku kororta $70k daqiiqadii, $4 milyan saacadii, $100 milyan maalintii…


Hantida qoyska Walton ayaa ku sii kordhaysay ilaa sanadkii hore tirooyin aan la rumeysan karin: $ 70,000 daqiiqaddii, afar milyan saacaddii, boqol milyan maalintii.

Sida laga soo xigtay Bloomberg, oo sanadkii la soo dhaafay iyo sanadkan uu ku tilmaamay in ay yihiin qoysaska ugu qanisan adduunka, hantida qoyskan ee leh suuqa weyn ee Walmart ayaa ku kordhiyey xawaare kii ugu dhaqsaha badanaa abid.

Hantida Walton ayaa ka kacday $ 39 bilyan oo gaartay $ 191 bilyan tan iyo markii la sii daayay warbixitan bishii Juun 2018 oo lagu sumadeeyey qoyska ugu taajirsan adduunka.

Waxay intaas ku dartay in qoysaska kale ee reer Mareykan ay korortay hantidooda si aad u weyn isla waqtigaasi, waxay soo qaadatay qoyska shirkada sameysa shukulaatada Mars oo ay ka kacday $ 37 bilyan oo gaartay 129 bilyan, qoyska Cook ayaa kasbaday $ 26 bilyan wuxuuna hadda gaaray $ 125 bilyan.

Qoyska Al Saud ayaa kaalinta afraad ka galay kaalimaha ‘Bloomberg’ ee 25ka qoys, in kasta oo aaanay liiska ku jirin sanadkii hore, waxaa hantidooda lagu qiyaasaa $ 100 bilyan. Dhaxal sugaha boqortooyada Mohammed bin Salman kaligiis ayaa haysta in kabadan 1 bilyan oo dollar, sida wakaaladu sheegtay.

Bloomberg wuxuu xusey in qaar ka mid ah qoysaskii ugu caansanaa hantida aan ka mid ahayn liiskan iyadoo adkaatay in la qiyaaso hantidooda iyo dakhligooda sida qoysaska Rothschild ama Rockefeller.

Tirooyinkan waxay caddeyn u yihiin in raasumaalnimadu u baahan tahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo, waxaa la arkayaa farqiga Sinnaan-dhaqaale iyo sinnaan la’aan waxay noqdeen arrimo siyaasadeed oo qarxi kara, laga soo bilaabo Paris illaa Seattle illaa Hong Kong Su’aasha la is weydiinaya ayaa noqotay: sidee baa loo yarayn kara farqiga sii kordhaya ee u dhexeeya hantiilayaasha iyo saboolka?

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: