Advertisements
Wararka

Hooyo 8 wiil ay dhashay ku weysay dagaalka Yemen oo sanadkan lagu marti qaaday Xajka…


Boqorka Sacuudiga Carabiya ayaa sanad kasta Xajka ku marti qaada kumanaan kun oo qof, kuwaa oo si gaar ah Boqortooyada u xulato uguna casuunto in ay kasoo qeyb galaan Acmaasha Xajka.

Dadka sanadkan Boqor Salmaan ku casuumay Xajka waxaa kamid ah hooyo u dhalatay dalka Yamen oo 8-wiil ay dhashay iyo xubno kale oo qoyskeeda kamid ah ku weysay dagaalka ka socda Yeman ee u dhaxeeya Xulufada Sacuudiga iyo Xuutiyiinta.

Alya Zainullah, oo 60 jir kuna nooleyd gobolka Ma’rib ee dalka Yeman ayaa dagaalka ka socda Dalkeeda ku weysay 8-wiil ay dhashay, waxa ayna taasi murugo galisay nolosheeda kadib markii garbaheeda ka baxeen wiilashii ay kaalmeeso laheyd.

Hooyadan ayaa sheegtay in ay aad u faraxday markii loo keenay warqadda casuumaadda ee ay uga mid noqoneyso xujeyda sanadkan, waxa ayna xustay in Xajka ay waligeed ku taami jirtay hayeeshee dhaqaale darro heysatay darteed aysan awoodin ka qeybgalkiisa.

Waxa ay sheegtay Alya in caruurteeda u balan qaadeen in ay geyn doonaan Xajka balse dhimashadooda ay kasoo hor martay kahor inta aysan riyadeeda u rumeyn, waxa ayna u mahad celisay Boqor Salmaan oo riyadeedii hada u rumeeyay.

Boqorka dalka Sacuudiga ayaa sanad kasta Xajka ku marti qaada kumanaan qof oo meelo kala duwan ka yimaada, waxaana dadkaasi loo diraa casuumad gaar ah iyadoona si gaar ah loo maamuuso.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: