Advertisements
Wararka

Wasiir Yemeni ah oo ku eedeeyey Sacuudiga in uu ka aamusay dagaaladii xoognaa ee Cadan…


Maleeshiyaad aad u hubeesan oo taageero ka hela dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la wareegay inta badan magaalada Cadan oo xarun u aheyd dowlada caalamku aqoonsan yahay ee Yemen.

Ciidamada dowlada ayaa dagaal adag kala hortagay maleeshiyaadka hubeesan ee Gooni goosadka koonfurta Yemen, waxaana ugu dambeyn ciidamada lagu jabiyay hubka gaashaaman oo dowlada Imaaraadka ku taageertay maleeshiyaadkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Caalamku aqoonsan yahay ee Yemen Axmed Al-Mayssar ayaa ku eedeeyay dowlada Sacuudiga iyo Madaxweynaha Yemen ee kunool Sacuudiga in ay ka aamuseen dagaaladii xooganaa ee Cadan ka socday.

Waxa uu sheegay Wasiirka in magaalada Cadan maleeshiyaadka qabsaday ay taageero soo siisay Imaaraadka, waxa uuna xusay in ciidamada dowlada soo weerareen maleeshiyaad ku hubeesan 400-gaari oo gaashaaman oo Imaaraadku bixiyay.

Wasiirka arimaha gudaha ayaana muuqaal uu soo duubay ugu hambaleeyay guusha dowlada Imaaraadka ka gaartay dagaalka Cadan, kadib markii maleeshiyaadka ay taageerto la wareegeen xarumihii dowlada iyo dekadda magaaladaasi.

Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in uu hubeeyay tababarna siiyay maleeshiyaad gaaraya 90-kun ,kuwaa oo doonaya in Koonfurta dalka Yemen ay noqoto dal ka madax banaan Yemen inteeda kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: