Wararka

Liiska xubnaha cusub ee baarlamaanka Jubbaland oo ka kooban 73 xildhibaan oo la soo…


Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa caawa shaaciyay Liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Liiska oo ka kooban 73 Xildhibaan ayaa lagu sheegay in muddo 20 cisho ah ay ku mashquulsanaayeen Odayaasha dhaqanka Jubbaland soo xulista xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Jubbaland, iyagoo liiska u soo gudbiyay Guddiga doorashooyinka si waafaqsan hannaanka doorashooyinka Jubbaland.

Guddiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ayaa sheegay in shanta beelood ee hab qeybsiga 4.5 lagu sameeyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8888 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: