Advertisements
Wararka

Murashaxiinta u taagan xilka M/weynaha Jubbaland oo waxba kama jiraan ku tilmaamay liiska…


Musharixiinta u taagnaa xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa qaadacay islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamay liiska xildhibaannada cusub Jubbaland oo xalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah musharixiinta Jubbaland ayaa sheegay in iyaga mowqifkooda uu yahay mid cad, isla markaana gebi ahaanba aysan aqoonsaneyn Shaqsi kasta oo ay qabtaan Guddiga Madaxa bannaan ee xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland.

Isaga oo wareysi siinayay Laanta VOA ayuu sheegay in soo xulista xildhibaannada cusub ee Jubbaland ay shaqadooda aheyd Odayaasha Dhaqanka Beelaha, balse qaabka hadda loo soo xulay uu yahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Jubbaand.

Musharax Sheekh Shakuul ayaa intaa ku daray in qaar badan oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Jubbaland laga saaray liiska Odayaasha loogu talo galay inay soo xulaan Xildhibaannada Cusub ee Jubbaland, isaga oo dhaliil u jeediyay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal sida ay u aragto liiska xildhibaannada Jubbaland ee lagu dhawaaqay inkastoo Wasaarradda Arrimaha gudaha horay u sheegtay mowqifkeeda ku aadana doorashada guud ahaan Jubbaland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: