Advertisements
Wararka

Booliska Kenya oo baadi goobaya nin lacag kala baxsaday dad doonayey in ay xajiyaan…


Booliiska dalka Kenya ayaa baadi goob ugu jira nin lacag badan kala baxsaday dad doonayay in ay sanadkan soo xajiyaan, ninkan ayaana dad badan lacag ka aruursaday kadibna ka dhuuntay.

Golaha Culimada Islaamka ee dalka Kenya ayaa si kulul u cambaareeyay qiyaanada uu sameeyay nin la sheegay in wakaalad socdaal ku lahaa xaafadda Soomaalidu ku badan tahay Islii ee Magaalada Nairobi.

Afhayeenka Culimada Golaha Islaamka Kenya ayaa sheegay nin lagu magacaabo Nuur Xasan Cabdi uu 30 qof ka ururiyay lacagtii ay ku xajin lahaayeen kadibna la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Booliiska dalka Kenya ayaa hada baadi goob ugu jira ninkan oo la sheegay in uu la baxsaday lacag gaareysa 120-kun oo dollar, waxaana dadkii uu lacagta kala baxsaday dacwad geeyeen saldhigyada booliiska.

Ibraahim Maxamed oo kamid ah dadka lacagta laga qaatay ayaa sheegay in Ninkaasi uu gurigiisa ugu yimid una sheegay in uu heysto wakaalad diiwaangashan oo xujeyda u fududeysa soo saaridda Baasaboorrada iyo daabulidda Xajka laakiin markii uu aaaminay lacagtiina u dhiibay uu waayay.

Golaha Culimada Islaamka ee dalka Kenya ayaa falka ninkan ku qiyaanay dadka doonayay in ay soo xajiyaan ku tilmaamay mid aad looga naxo, waxa ayna shaaciyeen in ninkaasi aragti xun ka bixinayo dadka islaamka ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: