Wararka

Dowlada Somalia oo ka hadashay weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada ee deegaanka…


Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar qaraxyo ku bilaawday oo barkhadii maanta xoogagga Ururka Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Awdheegle.

Taliyaha ciidamada Lugta General Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in degmada Awdheegle yaallaan hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay dagaalamayaal Al-shabaab ah lagu qabtay dagaalkaas saakay, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan.

Ciidamada xoogga dalka ayaa dhawaan Al-shabaab ka saaray degmada,waxaana sidoo kale maalmahaan ay howlgallo kala duwan ka wadeen tuulooyiinka hoostaga degmadaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10232 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: