Advertisements
Wararka

Raggii ka hortagay weerarkii lagu qaaday Masjid ku yaal Norway oo lacag kaalmo loo ururinayo….


Halyeeyada waayeelada ah ee ka hortagay weerarkii maalinimada sabtida lagu qaaday masjid ku yaal deegaanka Bærum ee caasimadda dalka Norway ee Oslo ayaa waxaa iminka u qul-qulaya lacag “kaalmo” ah oo loogu deeqayo si loogu kexeeyo xajka sannadka dambe.

Mohamed Rafiq iyo Mohamed Iqbal ayaa waxay labaduba si wadajir ah uga hortageen weerarkaasi loo ekeysiin rabay kii ka dhacay dalka New Zeland ee 59 ruux ee muslimiinta ah lagu dilay ayaa waxaa iminka internetka looga furay akoon lacag loogu ururiyo taas oo durbo dhaaftay xadkii loogu talo galay, walina waqtigu loo qoondeeyay “kaalmadaasi” oo ah mudo 30 maalmood ah ay ka dhimman tahay 28 casho.

Labada waayeel ayaa mid iskuduubay ninka weerarka soo qaaday, halka midka kale uu ku kor fariistay islamarkaana uu feer raaxada uga qaaday.

Ninka weerarka soo qaaday oo lagu magacaabo Philip Manshaus (21-jir) ayaa mar shalay maxkamad lasoo taagay ka muuqday natiijada dagaalka gacan-ka-hadalka ah ee dhex maray isaga iyo odayaashan.

Booliska ayaa sheegay in ninkani qorshihiisu ahaa in uu koobiyeeyo dhacdadii ka dhacday dalka New Zealand ee labada masjid lagu weeraray, balse uu ka fashilmay.

Pål Fredrik Hjort Kraby oo ka mid ah saraakiisha gacanta ku haysa baarista dhacdadan ayaa sheegay in ninkani ka hor weerarka uu internetka ku faafiyay farriin uu ku taageerayo Brenton islamarkaana uu ku muujinayo naceybka muslimiinta.

Farriintan uu faafiyay ayuu sidoo kale ku lifaaqay sawirka Brenton, wuxuuna sidoo kale isku dayay in uu muuqaal toos ah ka duubo weerarkiisa balse ay u suurtoobi weyday in uu internetka toos looga daawado.

Cunsurigii.jpeg

Branton ayaa weerarkiisa New Zealand waxa uu ku dilay 59 ruux oo ay soomaali ku jirto.

Baaris boolisku ku sameeyeen gurigiisa ayaa waxa ay ka heleen meydka gabar ay “walaalo” ahaayeen oo ay waalidkiis soo korsadeen taas oo kasoo jeeday asal ahaan dalka Shiinaha. Gabadhan ayaa lagu eedeynayaa in uu dilay ka hor inta uusan u dhaqaaqin dhanka masjidka.

Ujeedka weerarkan ayaa looga shakisan yahay fal cunsurinimo oo neceb ajaaniibta ah, waxaana falka weerarka ku dhaawacmay qof ka mid ahaa jameecada masaajidka Al Noor ee Bærum.

R/wasaaraha dalka Norway Erna Solberg iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqday goobta weerarku uu ka dhacay, waxaana ay dhammaantood wada cambaareeyeen falkan argagixisada ah ee lagu bartimlaameedsaday masjidka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: