Wararka

Xildhibaan Aadan Barre oo sheegay in habeenkii Soomaali yahay Maalintiina Kenyan yahay…


Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa si adag uga hadlay khilaafka dhinaca xuduud-badeedka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya waqtiga dheerna soo jiitamayay.

Aadan Barre Ducaale ayaa tilmaamay in wanaag badan uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya, isagoona sheegay in uu ka xunyahay in khilaafkaan uu meesha ka saaro derisnimada iyo wanaaggii tan iyo xornimada ka dhaxeeyay labada dowladood.

Mr. Barre ayaa sheegay in uusan marnaba aqbaleyn uu taako ka mid ah dhulka ama badda Kenya ay qaadato soomaaliya, islamarkaana uu maalintii kenyan yahay habeenkiina soomaali.

“Waa waajib i saaran in aan difaaco Kenya, waayo xilka saddexaad ee dalka ayaan ka hayaa waana u dhaartay marka soomaalida ha iga raalli ahaato”, ayuu wareysi ku yiri Aadan Barre.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed inta ay ku heystaan Kenya aysan ku heysan dalalka kale ee caalamka sida ganacsiga iyo nolosha kaleba.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10232 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: