Advertisements
Wararka

Xildhibaannada garabka Murashaxiinta Isbedel doonka oo maanta Kismaayo lagu dhaariyey…


Magaalada Kismaayo waxaa maanta lagu dhaariyay xildhibaannada garabka musharixiinta Isbadal-Doonka Jubbaland oo maalintii shalay lagu dhawaaqay.

Axmed Aadan Cabdi Guddoomiyaha guddiga doorashada maalintii shalay xildhibaannada ku dhawaaqay ayaa sheegay in maanta dhaariyeen sida uu hadalka u dhigay tiro ka badan 50 xildhibaan oo ka mid ah 75 xildhibaan oo ay maalintii shalay ku dhawaaqeen, isaga oo intaa ku daray in tirada soo hartay oo aan hadda Kismaayo ku sugneyn la dhaarin doono.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in howsha ay sidaa ku sii socon doonto, ilaa laga gaarayo doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa.

Xildhibaannada maanta la dhaariyay ayaa markiiba guddoomiye ku-meel-gaar ah u doortay Xildhibaan Maxamed Buule Dhaay oo horay uga mid ahaa Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee Jubbaland.

Marka leys bar- bar dhiggo hadallada labada Guddoomiye Guddi Doorasho waxaa muuqata in ugu danbeyntii Labada Baarlamaan dooran doonaan labo madaxweyne oo iska soo horjeeda, laakiin dhinaca kale waxaa soconaya waan-waan la doonayo in meel-dhexe leysugu keeno dhinacyada iska soo horjeeda sida uu ka dhawaajiyay Axmed Aadan Cabdi oo guddoomiye u ah guddiga doorashada garabka Isbadal Doonka

Magaalada Kismaayo waxaa maanta gaaray wafdi ka socda howlgalka midowga Africa AMISOM iyo xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka kuwaa oo halkaa u tagay sidii xal loogu heli lahaa xiisada ka dhalatay doorashada.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa siweyn u hadal haya xiisada ka taagan doorashada iyaga oo qaba in haddii aan si deg deg ah loo xalin ay keeni karto in magaaladu yeelato labo maamul oo iska soo horjeeda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: