Advertisements
Wararka

Kulamo xal loogu raadinayey mushkilada Jubbaland oo natiijo la’aan ku dhamaaday…


Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in natiijo la’aan uu ku dhamaaday kulan muddo qaatay oo u dhaxeeyay Saraakiil ka socotay Sirdoonka Itoobiya iyo Madaxweynaha Jubbaland oo ay wehliyeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jubbaland.

Saraakiisha ka socday Qeybta Sirdoonka Milateriga Itoobiya ayaa labo qodob hordhigay, kuwaasoo kala ah:

1- in dib loo furo waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta, si fursad loo siiyo Musharaxiinta mucaaradka si ay isugu diiwaan geliyaan.

2-in la qaado xayiraadii Golaha Wasiirada Jubbaland saareen Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka inay tagaan Kismaayo.

Ilo wareedyo ku sugan Kismaayo oo isugu jira Mas’uuliyiin ku dhow Maamulka Axmed Madoobe iyo Xildhibaanada Federaalka ka socda ayaa sheegay in dalabka labadaas qodob ee ay soo jeediyeen Saraakiisha Sirdoonka Itoobiya loogu jawaabay in arrinta ah in dib loo furo waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta ay u taalo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Jubbaland ay leeyihiin xeerar iyo habraacyadii lagu dhisay, taasna ay go’aankeeda leeyihiin, qodobka kale ayaa ah in arrinta xayiraada laga qaado Mas’uuliyiint dowladda Federaalka uu yahay go’aan ay gaareen Golaha Wasiirada Jubbaland, isla markaana lagu celinayo Golaha haddii wax laga bedelayo iyo haddii kale.

Intaas kaddib Saraakiisha ka socday Sirdoonka Itoobiya ayaa dib ugu laabtay Muqdisho oo markii hore ay ka soo ambabaxeen, kaddib markii ay maalin ka hor si qarsoodi ah ku yimaadeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7165 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: