Wararka

Mareykanka oo dalkiisa ka mamnuucay madaxii hore ee ciidamada sirdoonka Sudan…


Mareykanka ayaa dalkiisa ka mamnuucay madaxii hore ee ciidammada sirdoonka Sudan Salah Gosh, iyada oo go’aanka uu qayb ka yahay cunaqabateyn uu Marekanka ku soo rogay sarkaalka.

Salah Gosh, ayaa lagu eedeyay inuu ku lug lahaa tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay dalkaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Marekanka ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay , waxaa lagu sheegay in la hayo caddeymo muujinayo in Gosh uu ku lug lahaa dhacdooyin lagu dhibaateeyay dad rayid ah markii uu ahaa madaxii ciidammada sirdoonka Sudan.

Salah Gosh waxaa uu xilkan hayay xilliggii dalka ka talinayay madaxweynihii xilka laga tuuray ee Sudan Cumar Al Bashiir.

Dalka Sudan ayaa is beddelo waa weyn ay ka dhaceen tan iyo markii xilka laga tuuray Al Bashiir, balse waxaan wali mira-dhalin dadaallada rayidka ay ku doonayaan inay dowlad soo dhistaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7969 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: