Advertisements
Wararka

Warbixin horudhac ah oo laga soo saaray gabar yar oo 15 jir ah oo meydkeeda laga helay…


Dowladda dalka Malaysia ayaa warbixin horudhac ah kasoo saartay gabar yar oo 15 jir ah oo u dhalatay dalka Ingriiska taas oo maalmihii u dambeeyay la la’aa, balse markii dambe laga helay meydkeeda keynta Dusun ee dalkaasi.

Gabadhan oo lagu magacaabay Nora Quorin (15-jir) ayaa halka laga helay oo ah goob dalxiiska loo tago ayay iyada iyo qoyskeeda waxa ay gaareen maalin ka hor markii la waayay, waxaana wararku ay sheegayaan in habeen madow laga waayay qol ay la jiiftay walaaleheed, iyadoona daaqada ay furneyd.

Baadi-goob qaatay maalmo ayaa waxaa gabadhan meydkeeda laga helay keynta Dusun, waxaana ay boolisku baaris ku sameeyeen meydkeeda.

Warbixin baaristaasi ku saabsan oo ay booliska maanta soo saareen ayaa lagu sheegay in gabadhaasi ay gaajo iyo wel-wel u dhimatay islamarkaana eysan jirin wax tuhun ah oo gabadhaasi in la dilay laga qabo.

Madaxa booliska magaalada Seremban, Mohammad Mat Yusop oo warbixinta baarista horudhaca ah warbaahinta la qeybsaday ayaa sheegay in gabadhani ay u dhimatay dhiig caloosha uga furmay oo ka dhashay gaajo iyo wel-wel.

Axaddii aynu soo dhaafnay ayaa waxaa gabadhani sabaxnimadii laga waayay qolkii ay jiiftay, waxaana la arkay daaqada oo furan mana la oga sida ay wax u dheceen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: