Wararka

Booliska Norway oo bogaadiyey una mahad celiyey labo nin oo ka hortagay nin hubeysan…


Booliska dalka Norway ayaa maanta casuumay Muhammed Rafiq iyo Muhammed Iqbal, oo iyagu sabtidii hore ka hortagay weerar hubeysan oo uu masjidka al-Nuur ee deegaanka Bærum kusoo qaaday Philip Manshaus kaas oo damacsanaa in uu koobi gareeyo dhacdadii Muslimiinta badan lagu laayay dalka New Zealnd horraantii sannadkan.

Labadan waayeel ayay boolisku boqaadiyeen dadaalkoodii ku aadanaa sidii ay uga hortageen weerarkan Philip oo ay sheegeen in uu ka khasaare badnaan lahaa hadii eysan iyagu qaban laheyn.

Madaxa booliska dalka Norway Beate Gangås ayaa xarunta booliska Sandvika ubaxyo ku guddoonsiisay labadan waayeel, waxaana munaasabadda ku wehliyay duqa Bærum Lisbeth Hammer Krog.

Mohamed Rafiq iyo Mohamed Iqbal ayaa waxay labaduba si wadajir ah uga hortageen weerarkaasi , waxaana mid uu iskuduubay ninka weerarka soo qaaday, halka midka kale uu ku kor fariistay islamarkaana uu feer raaxada uga qaaday ilaa inta uu boolisku ka imaanayay.

Ninka weerarka soo qaaday oo lagu magacaabo Philip Manshaus (21-jir) oo dhawaan maxkamad lasoo taagay ka muuqday natiijada dagaalka gacan-ka-hadalka ah ee dhex maray isaga iyo odayaashan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (7969 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: