Advertisements
Wararka

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka geystay saldhigyo ay leeyihiin maleeshiyada al-Shabaab…


Diyaarado dagaal oo duqaymo ka geystay Gobolka Shabellaha Hoose oo ku beegsadeen saldhigyo ay leeyihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Diyaaradahan ayaa waxay siyaabooyin kala duwan u beegsadeen saldhigyada Al Shabaab, ee ay ku kala leeyihiin deegaanada Mubaarak iyo Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Idaacadda afka Ciidanka Xoogga Dalka ku hadasha ee SNA ayaa sheegtay in duqaynta hore Al Shabaab lagula beegsaday deegaanka Janaale, xilli ay aas u samaynayeen dagaalyahano looga dilay dagaalkii Degmada Awdheegle, isla-markaana uu jiro khasaaro Shabaabka lagu gaarsiiyay duqayntaasi.

Idaacadda SNA ayaa sidoo kale sheegtay in duqaynta kale ee ka dhacday deegaanka Mubaarak lagu bartilmaameydsaday dagaalyahanada Al Shabaab, xilli ay ku hawlanaayeen diyaarinta qaraxyo.

SNA ayaa ku warantay in duqayntaasi lagu dilay 21 ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, halka 37 kalena lagu dhaawacay.

Idaacadda SNA ayaa tebisay in duqaymahaasi ay gaysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka, isla-markaana ay ka qayb qaateen Ciidanka Xoogga Dalka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: