Advertisements
Wararka

Nin xanuunsan oo la sheegay inuu qabo cudurka AIDS-ka oo si xoog ah looga saaray Isbitaal…


Caro xoogan ayaa ka dhalatay ficil uu ku dhaqaaqay Isbitaal kuyaala dalka Masar kadib markii si xoog ah looga saaray Isbitaalkaasi nin xanuunsan oo la sheegay in uu qabo cudurka halista ah ee AIDS.

Muuqaal laga duubay ninka xanuunsan oo si xoog ah Isbitaalka looga saarayo ayaa qabasaday baraha bulshada, waxa ayna arintan noqotay mid dad badan ay ka caroodaan si weyna loo hadal hayo.

Maamulka Isbitaalka ku yaalla deegaanka Gharbia ee dalka Masar ayaa amray in ninkaasi iyada oo la jiidayo Isbitaalka laga saaro, kadib markii uu diiday in uu ka baxo, waxa ayna taasi keentay in bakaankaasi iyada oo la silcinayo laga saaro Isbitaalka.

Saraakiisha dambi baarista dalka Masar ayaa durba bilaabay baaritaan lagu sameynayo arintan , waxaana la filayaa in shaqo joojin iyo ciqaab lagu sameeyo dadkii ka dambeeyay ficilkan lagu dhibaateeyay bukaanka.

Wasaaradda caafimaadka Masar waxay sheegtay in shaqaalaha Isbitaalka lagala xisaabtamayo dhibaatada loo geystay bukaanka qabay cudurka Aids-ka ee xaaladda caafimaad u jiifay halkaas.

Dadka qaba cudurka ADIS ayaa si weyn looga takooraa dadka Masar, waxaana dadkaasi inta badan ku adkaata in ay dadka dhax galaan ama ay helaan daawo iyo daryeelkii ay u baahnaayeen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7164 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: