Advertisements
Wararka

Doorashada M/weynaha Jubbaland oo dib loo dhigay, hase ahaatee waxaa dhici doona doorashada…


Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta aan horay isu diiwaan gelin, iyadoo dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha oo qabsoomi doonta 22 bishan.

Warqad ka soo baxday Guddiga oo loo diray Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa lagu sheegay in muddo saddex maalmood loo qabtay Musharaxiinta mucaaradka inay isku diiwaan geliyaan, iyadoo taariikhdii 19 bishan oo aheyd inay ku dhacdo doorashada Madaxweynaha dib loo dhigay, lagana dhigay 22 bishan oo ku beegan khamiista.

Musharaxiinta ka soo horjeeda Axmed Madoobe ayaa saddex maalmood loo qabtay inay is diiwaan geliyaan, taasoo ka bilaabaneysa 17 bishan kuna eg 19 bishan.

Hase ahaatee shuruudihii horay Guddiga u soo saaray ee lagu xiray Musharaxiinta ayaa weli taagan, sida ka tanaasulida xubnaha xilalka haya, mudada degenaanshaha oo laga rabo in Musharaxa uu labo sano ka badan dalka joogo iyo in aanu Xaas Ajnabi ah qabin, taasoo ka dhigan in Musharaxiinta qaar in aanay buuxin karin shuruudahan.

Dadaalo xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan doorashada Jubbaland ayaa sababtay in Wafdi ka socda Beesha Caalamka ay farageliyaan, si xaalada loo dejiyo.

Dhinaca kale Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada Guddoonka baarlamaanka maamulka Jubbaland, waxaana si weyn looga dareemaya diyaar Garowga Xarunta doorashadda ay ka dhaceyso.

Guud ahaan marka la eego Amaanka magaalada Kismaayo ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana ku sugan goobta loogu tala galay in lagu qabto doorashadda guddoonka baarlamaanka Jubbaland ciidamada Booliska iyo kuwa AMISOM.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in maanta ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen.

Xildhibaano iyo xubno ka socda beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashadda guddoonka baarlamaanka Jubbaland ee maanta dhaceysa.

Dhinaca kale lama oga talaabada ay qaadayaan musharixiinta Isbadal doonka oo dhinacooda dhawaan uga dhawaaqay xildhibaannada Baarlamankii Labaad ee Jubbaland ay yeelaneyso.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: