Advertisements
Wararka

Dukumenti dastuuri ah oo si wadajir u saxiixeen dhinacyadii isku heystay dalka Sudan…


Golaha militariga ee ku-meelgaarka ah ee Sudan iyo Xoogaga Xorriyadda iyo Isbadalka ayaa ugu dambeyntii ku saxiixay dukumenti dastuuri ah magaalada Caasimada ah ee Khartoum iyo ku dhowaaqista Iclaan siyaasi ah waqtiga kala guurka, taasoo wadada u xaareysa in loogu gudbo dowlad rayid ah.

Munaasabadda saxiixa ayaa goob joog ka ahaa Madaxda dowladaha gobolka iyo kuwa caalamiga iyo wakiilo ka socda ururada caalamiga ah.

Dadka reer Sudan ayaa filayey saxiixa heshiiskan oo ujeedadiisu tahay inay u guuraan xukun rayid ah, iyaga oo rajeynaya in dalkooda u soo jiidi doonto xorriyad iyo barwaaqo dhaqaale.

Ciidamada amniga ayaa si aad ah loogu daadiyey wadooyinka magaalada Khartuum, iyagoo xayiray wadooyinka qaar, gaar ahaan wadooyinka taga xarunta madaxtooyada iyo xarunta ciidamada Sudan.

Xoogaga xorriyadda iyo isbedelka ayaa ku dhawaaqay in socod lagu marayo bartamaha Khartoum ilaa fagaaraha xorriyada oo ah (fagaaraha ugu weyn caasimadda Khartoum).

Waxay sidoo kale tilmaameen imaatinka tareenka “Atbara” – oo ah astaantii kacaanka.
Atbara waa magaaladii laga bilaabay mudaaharaadyadii bishii Decembar 19, 2018 ee looga soo horjeeday xukunkii Cumar Al-Bashiir.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: