Advertisements
Wararka

Weerar loo adeegsaday 10 diyaaradood oo Drone ah oo Xuutiyiinta ku qaaday dalka …


Kooxda Xuutiyiinta Shiicada ah ee dalka Yemen oo ay taageero ka hesho Iran ayaa Weerar loo adeegsaday dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone ku qaaday Warshad sifeysa shidaalka oo ku taalla Sucuudiga, taasoo lagu magacaabo Sheybah.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkada Aramco ee Sacuudiga u qaabilsan soo saarida shidaalka ayaa lagu xaqiijiyay in ciidanka amaanka ay ka hortageen dayuuradaha weerarkaas loo adeegsaday, iyadoo aysan jirin waxyeelo ka dhalatay.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in 10 dayuuradood ay ku weerareen ceelka shidaalka ee Shaybah ee Saudi Arabia.

Waxaa uu intaas ku daray afhayeenku in weerarkan uu yahay kii ugu xooganaa ee ay ku qaadaan gudaha dalka Sacuudiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: