Advertisements
Wararka

Dowlada Somalia oo sheegtay in ayna aqoonsaneyn Natiijooyinka ka soo baxay doorashooyinkii…


Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan aqoonsaneyn doorashooyinkii maanta ka dhacday Kismaayo.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay dhacdooyinka maanta ka soo cusboonaaday Kismaayo ee ku saabsan is caleema saar baal marsan habraacyada doorashooyinka Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in aanay aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee ka soo baxay Kismaayo, kaasoo ay ku sheegtay in shaqsiyaad kala duwan uu mid walba gaarkiis u sheegto inuu yahay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Arrintan ayaa ka dhigan in Dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo doorashadii mucaaradka ay ku doorteen C/rashiid Xidig in intana Wasaaradda ku gacan seyrtay sharciyadooda.

Aqoonsi la'aan.jpg

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: