Advertisements
Wararka

Kenya oo ka soo dhar dhigatay nidaamkii diblomaasiyada ee dowladaha ay ku wada dhaqmayeen…


Tan markii la guda galay doorshada Maamulka Jubbaland, waxaa muuqatay in dowlada Kenya ay nidaamkii diblomaasiyeed ka soo dhar dhigatay, waxy u muuqataa wasaaradooda arrimaha dibada mid fadhi ku dirir camal ah.

Wasaarada arrimaha dibada Kenya waxay soo saartay labo warqadood oo tan hore lagu dhaliilayey warkii ka soo baxay ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay ee Somalia oo sheegay in doorashadaasi ayna heli doonin aqoonsiga beesha caalamka haddii aanan wax laga bedelin hanaanka wax ku socday oo laga dhigin mid dadka oo dhan ay ka qeyb geli karaan oo u dhacda si xor iyo xalaal ah, dowlada Kenya keliya ayaa ka soo horjeesatay.

Warqada labaad ee ka soo baxday wasaarada arrimaha dibada Kenya ayaa aheyd mid loogu hambalyeynayo Axmed Midoobe iyo raggii iyo dumarkii farqaha la qabtay in ay sidaasi wax u dhacaan, waxay maamulka cusub Kenya ugu baaqday in ay la shaqeeyaan dowlada federaalka sidii iyadoo la hadleyso dowlad kale ama gobol ka mid goboladeeda, waxyaabaha aan la yaabay ayaa ah dowladii wadanka ka dhisneyd wey diiday in ay aqoonsato wixii ka soo baxay doorashooyinkaasi, Kenyana waa hambalyeysay maxay arrintaasi ka dhigan tahay waa ku xad gudub iyo fara gelin qaawan iyo faduulnimo arrimaha khaaska u ah Somalia.

Waxaan la yaabanahay meeday Wasaarada arrimaha dibada Somalia, maxay uga aamusan tahay tacadigan xad dhaafka ee Kenya u geysaneyso sovereignty-ga Somalia, Kenya waxay ka soo talaabday xeyndaabkii diblomaasiyada, Soomaalidu waxay tiraa Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa ee jawaab madaxooda is daba maro ha la siiyo fadlan. Maxay Kenya far taagan uga noqotay Geeska Afrika iyadoo dhammaan dowladihii deriska, AU, IGAD, AMISOM, UN iyo dhammaan daneeyayaasha arrimaha Somalia ay weli wax war ah ka soo saarin waxa ka dhacay Kismaayo.

Sidoo kale waxaan la yaabanahay dadka lagu xusay warqada Kenya oo lagu tilmaamay Stake holders sida Madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Xasan Sheikh iyo Gudoomiye xisbi Cabduraxmaan Cabdishakuur, ma waxay raalli ka yihiin in ay Kenya ula dhaqanto gobol ka mid ah Somalia keeda oo kale, in lagu xad gudbo jiritaanka Somalia, haddii aad mucaarid tihiin micnaheeda ma ahan in dowlada Kenya tusaale idinku soo qaadato oo idinkuna iska aamustaan, inta aan ka warqabo midkiina jawaab kama bixin, dowladan wey tageysaa laakin dhulku ma tegaayo, shalay idinkaa joogteen, berina haddii Allah yiraahdo dad kale ayaa iman doona, wixii wanaag Soomaali dhexdeeda aad ku laheydeen yaan la idinka wasakheyn.

Axmed madoobe waxaan oran lahaa adiga ma waxaad tahay barasaab Kenya u jooga Jubbooyinka, dhulka sow ma ahan dhul Soomaaliyeed, sidee ku ogolaatay in ay Kenya raallinimadeeda ku joogtid Jubboyinka, yaa kaa xigga meesha, qofna uguma baahnid inaad u hoos fadhiisato calankaaga, maxay tahay sababaha Kenya kuu difaaceyso oo xataa dharkii diblomaasiyada ka dhacay, ma heshiis qarsoodi ah ayaa jira oo dhulka iyo badda Somalia aad la gashay, mise kursi jaceyl, waagii hore khudbadahaaga markaan maqlo waxaan oran jiray waa qofka keliya ugu macquulsan siyaasiyiinta, hadana waxaad u muuqataa inaad dowlad kale daba dhilif u tahay.

Dowlada Somalia siyaasad ahaa waa isku diidi kartiin xaq baad u leedahay laakin labada dhinacba in aad dowlado shisheeye isu adeegsataan waa laga fiican yahay, dhinaca kale dowlada Somalia ee jirta hadda qaladaadkeeda wuu badan yahay runtii, wixii dembiyo ay ku dhacday waan ognahay tii ugu dambeysay wixii Baydhabo ka dhacay oo nin ay wateen ummad badan loo laayey musharax ka mid ahna weli u xiran yahay, ma shaqeyneyso ajendayaalkaada inaad xoog ku fulisid, waa la soo dhaafay waqtigaasi, ee caqliga ha shaqeeyo.

Waxaa intaasi oo dhan ka daran shacabkii Soomaaliyeed oo nadiifka ahaa oo mar walba ka dhiidhin jiray faragelinta iyo gumeystaha hadda badankooda noqday ku hayin u ah in la duleysto oo la kala qeybiyo iyadoo loo marayo Qabiilka, taasi waxaa daliil kaaga ah hardanka ka socday baraha bulshada oo lagu kala taageerayey Itoobiya iyo Kenya arrimaha Jubbooyinka, waxay aheyd wax aan la fileynin in qaar ka mid ah dadkii sidaasi u qeybsamaan oo wadankoodii baayacaan.

Ilaahay waxaan ugu mahad celinayaa inaan Kismaayo ka dhicin fowdadii ka dhacday Baydhabo oo kale, taasina waxay muujineysaa dadka caadiga ah oo ka qaan gaaray rabshadaha faraha la isula tago, inkastoo wadanka weli xasilneyn oo nugul yahay, dadkana ay wada heystaan hub, waxaan oran lahaa inta yar ee dhiman ee khilaafka si miyir qabta halagu dhameeyo.

Hoos waxaan idinkugu soo gudbiyey khudbadii uu jeediyey Saxaabiga Abubakar markii loo bayacay khilaafada dhimasha Rasuulka (SCW) kadib ee wax ku qaata:

:ما بويع أبو بكر بالخلافة بعد بيعة السقيفة تكلم أبو بكر، فحمد الله وأثنى عليه ثم قال
“أما بعد أيها الناس فإني قد وليت عليكم ولست بخيركم، فإن أحسنت فأعينوني، وإن أسأت فقوموني، الصدق أمانة، والكذب خيانة، والضعيف فيكم قوي عندي حتى أريح عليه حقه إن شاء الله، والقوى فيكم ضعيف حتى آخذ الحق منه إن شاء الله، لا يدع قوم الجهاد في سبيل الله إلا ضربهم الله بالذل، ولا تشيع الفاحشة في قوم قط إلا عمهم الله بالبلاء، أطيعوني ما أطعت الله ورسوله، فإذا عصيت الله ورسوله فلا طاعة لي عليكم”

Soomaali ha noolaato…

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: