Advertisements
Wararka

Boqorada Britain ayaa aqbashay qorshaha R/wasaaraha oo howlgab looga dhigayo baarlamaanka…


Boqoradda Britain, Queen Elizabeth ayaa aqbashay qorshaha Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson uu ku codsay in howl-gab laga dhigo baarlamaanka.

Qoraal ah oo kasoo baxay la-taliyayaasha rasmiga ah ee Boqoradda Britain ee loo yaqaano “The Privy Council”, ayaa sidaasi sheegay shalay oo Arbaco aheyd.

Warkan qoraalka ah ayaa lagu xaqiijiyay in baarlamanka Britain howl-gab laga dhigay inta u dhexeysa 9-ka September ilaa laga gaarayo 14-ka October.

“Waxaa maanta boqoraddu ay amar ku bixisay in baarlamaanka uusan shaqeyn doonin inta ka horeysa 9-ka Spetember , 12-ka September ilaa laga gaarayo14-ka October 2019” Qoraalka kasoo baxay la taliyayaasha rasmiga ah ee Boqoradda ayaa sidaasi lagu yiri.

Dibad-baxyo ayaa ka dhacay afaafka hore ee dhismaha baarlamanka Britain iyadoo dadku ay diidan yihiin in boqoraddu ay go’aan intaas le’eg gaarto kadib codsiga uga yimid Boris Johnson.

Baarlamanka Britain ayaa lagu waday in uu dib u furmo 2-da Sebtember marka mudanayaasha baarlamanku ay kasoo noqdaan fasaxa

Talaabada ay boqoraddu ku dhaqaaqday ayaa doodo xoog badani ay ka dhasheen – in ay aqbashay codsigii Boris Johnson ee ahaa in baarlamaanka howlihiisa shaqo la joojiyo laga bilaabo bisha soo socta ilaa bartamaha October ayaa ka dhigan in Xildhibaanada laga hor istaagay in ay ka horyimaadaan qorshaha Britain ay doonayso in Midowga Yurub ay kaga baxdo heshiis la’aan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: