Advertisements
Wararka

Xisbiyada PD iyo Shanta Xidigood ee Talyaaniga oo ku heshiiyey inay dhisaan dowlad wadaag ah…


Madaxda xisbiga PD ee dalka Talyaaniga ee siyaasaddiisu bidix dhexe tahay iyo xisbiga Shanta xidigood ayaa ku heshiiyay in ay dhisaan dawlad wadaag ah.

“Waxaan u aragnaa arrin qiimo leh in aan tijaabino khibraddan,” ayuu yiri Nicola Zingaretti oo ka tirsan xisbiga PD ka dib markii uu madaxweynaha la kulmay Arbacadii oo ahayd maalintii ugu dambaysay ee loo qabtay in heshiis la gaaro.

Waxaa lagu heshiiyay in Giuseppe Conte uu sii ahaado ra’iisulwasaare.

Xukuumadda wadaaga ah ee lagu heshiiyay ayaa hawsha wadi doonta tan iyo inta laga gaarayo doorashada xigta ee 2023-ka loo ballamay.

Talaadadii hoggaamiyaha xisbiga Shanta xidigood Luigi Di Maio ayaa soo dhaweeyay in xisbiga PD uu aqbalay dib u magacaabidda Conte.

MatteoSalvini.jpg

Tani ayaa ka dhigan in dhinac loo riixay xisbigii midigta xagjirka ahaa oo uu hogaaminayey Matteo salvini R/wasaare ku xigeenka isla markaana ahaa wasiirka arrimaha gudaha oo afkaartiisa ay aheyd mid aad u adkeyd.

Labadan xisbi ayaa caadi ahaan iska soo horjeedi jiray, waxayna galeen wadahadallo kulul ka dib markii ay toddobaadkii hore burburtay dawladdii wadaagga ahayd.

Madaxweyne Sergio Mattarella oo hoggaamiyeyaasha xisbiga kula kulmay magaalada Rome si uu mustaqbalka u qaabeeyo ayaa dhanka kalana u yeeray Conte si uu Khamiista kulan ula yeesho.

Waxaa si wayn loo filayaa in uu siin doono ruqsadii u ku soo dhisi lahaa dawlad cusub.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: