Advertisements
Wararka

M/weyne Trump oo shaqada ka eryey haweenay gacan yare khaas ah u aheyd, kadib markii…


Haweeney gacan yare khaas ah u aheyd Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaqada laga eryay, kadib markii la ogaaday in Warbaahinta la wadaagtay arrin xasaasi ah oon la ogoleyn.

Madeleine Westerhout oo 29 jir ah ayaa laga ceyriyay shaqadii ay u heysay Madaxweyne Donald Trump, waxaana la amray haweeneydan in aysan soo gali karin aqalka cad ee looga arimiyo Mareykanka.

Trump ayaa shaqada ka ceyriyay haweeneydan kadib markii uu ogaaday xog gaar u aheyd in ay la wadaagtay Wariyaasha, waxaana haweeneydan Warbaahinta u sheegtay hadalo la isku dhaafsaday kulan casho ah uu sameeyay Madaxweynaha oo laga qariyay Wariyaasha

Warbaahinta dalka Mareykanka qaarkood ayaa ku waramay in haweeneydan gacan yaraha u aheyd Madaxweyne Trump markii xogta qarsoodiga aheyd bixineysay ay khamri cabeysay, waxa ay sidoo kale Wariyaasha u sheegtay arimo kale oo xasaasi ah.

Trump ayaa ka carooday in haweeneydan iyada oo khamri cabeysa ay dibadda soo dhigtay xog khaas ah oo ku saabsan qoyskiisa, waxa sidoo kale ka careysiiyay Trump in ay bixisay xogta hadalo la isku dhaafsaday Aqalka Cad.

Haweeneydan laga eryay shaqada aqalka cad ayaa gacan yare u aheyd Madaxweyne Trump tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay, waxaana haweeneydan horey loogu tuhmay in xogo qarsoodi ahaa iyo arimo kale Warbaahinta la wadaagtay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (7359 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: